|
AU oo Taliye Cusub u soo Magacaawday Ciidamada AMISOM ee Ku sugan Dalka Soomaaliya |
|
Written by Ali Moallim
|
|
Saturday, 01 March 2008 |
|
Mogadisho,(insidesomalia.org)- Midoowga Africa ayaa u soo Magacaabay Taliye cusub Ciidamada AMISOM ee Kusugan Dalka Soomaliya,kaas oo shaley gelinkii danbe soo gaarey Moqdishu.
Taliyihii hore ee Ciidamada AMISOM ee ku sugnaa Dalka Soomaliya Major Gen. Levi Karuhanga ayaa la badalay waxaana ay Midoowga Africa ay Ku bedeleen General Okelo oo isaga noqonaya TAliyaha Cusub ee Ciidamada AMISOM.
Taliyaha Cusub ee Ciidamada AMISOM ayaa shalay markii uu kasoo degey goronka Diyaaradaha Adan cadde waxaa ku soo dhoweeyey saraakiil kakala socdey Ciidamda AMIDOM iyo Soomaaliya.
Afhayeenka Ciidamada AMISOM Ba-Hoku Barigye ayaa waxaa uu arintasi u cadeeyay Saxaafada, isagoo sheegay in Taliyihii hore uu waqtigii loogu tala galay uu dhamaaday isla markaan lagu bedelay Gen Okelo.
Major Gen. Levi Karuhanga oo ka mida ahaa Ciidamadii Militiriga wadanka Uganda ayaa waxaa uu xilkani qabtay Bishii March ee sanadkii naga tagey markii Ciidamada AMISOM ay Dalka Soomaliya soo gaareen.
Sidoo kale Golaha Amaanka ee QM ayaa waxaa uu maalintii Arbacada uu kordhiyay waqtigii ay Ciidamada AMISOM joogi Doonaan, islamarkaan loogu daray 6 Bilood oo hor leh si loo dar dar geliyo nabad kusoo dabaalida Dalka dagaalada halakeeyeen ee Soomaaliya
|